KHADIIR OO SALIIDII AGOONTA GATAY

Jigjiga(kalitimes) 13ka January, 2019. Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka dds ayaa wuxuu leeyahay jaansiyo badan oo dadwaynaha looga faaiideeyo siiba kuwa danyarta ah iyo agoonta.

Hadaba waxaa jira sonkoro iyo saliido loogu talagalay in looga faaiideeyo doorkan agoonta deegaanka oo laga soo qaaday magaalada Shashamane ee deegaanka oromada waxaase si ulakac ah ugatay wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo gaadiidka khadiir.

Saliidan oo lagu qaadan jiray mudo 45 cisho gudahood ah ayaa waxaan hadda laqaadanin mudo 5 bilood ah waxaana si toos ah uqaatay 5taas biloodba khadiir oo ah wasiir kuxigeenka ganacsiga, hadii ay xukuumadan sii dumaysa ee mustafe cagjar la ogtahay inuu khadiir gato saliida agoonta oo intaas oo umad ah kunoolayd ee siiba danyarta iyo agoontu qaadanayeen waa nasiibdaro kuhabsatay deegaanka. waana nooc musuq oo aan dib xal loogu heli doonin aduun iyo aakharaba.

Khadiir ayaa xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka xili hore ka ahaan jiray amakaari markii uu mustafe yimidna wuxuu usheegay inuu kadhigi doono gudoomiyaha maxkamada guud balse wuu diiday khadiir in meeshaas loo magacaabo asagoo doonayay inuu tago meeshuu waligii kutaamayay oo ahayd inuu hantida ummada dhaco.

Ugu danbayn waxaa iyadana nasiib daro ah in wasiirkii xafiiska kuqornaa uu xaadir yahay isagoo tusaale ahaan uun ujooga balse aan awood wax go’aamin karta lahayn, waxayna arrintani wada haysataa xafiisyo badan oo heer deegaan ah oo hal reer ah si toos ah loogu dhaadhiciyay iyadoo laga wada dhigay wasiir kuxigeeno balse si toos ah xafiista wasiiro uga ah islamarkaana aan ka amarqaadanin wasiirada sida tusaalaha ah loogu qorey xafiisyada heer deegaan.

more recommended stories