Taariikh noololedki iyo saamaynti ambassador DR.Cabdul Majid XUSEN

Taariikh noololedki iyo saamaynti ambassador DR.Cabdul Majid XUSEN

Cabdul-Majiid wuxuu 1943 ku dhashay magaalda Diri-dhabe ee Dalka Itoobiya, wuxuuna waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed ku qaatay Itoobiya isaga oo markii uu waxbarashada Dugsiyada asaasiga ah dhamaystay galay jaamacadda Addis Ababa University lakiin waxa kale oo uu waxbarasho jaamacadeed u tagay Dalka Ingiriiska,

Cabdul-Majiid Xuseen waxa uu ahaa siyaasi saamayn weyn ku lahaa siyaasadda dalka Itoobiya iyo guud ahaan bariga Africa isla markaana Dawladda Itoobiya wax uu ka soo qabtay xilal kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhaqaalaha iyo Xdhiidhka caalamiga ah sidoo kale waxa uu mar ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ee Dawladda Itoobiya isaga oo markii u danbaysayna ahaa ambassador ka Dawaladda Itoobiya u fadhiya Qaramada midoobay.

Cabdul-Majiid dedaal badan oo uu u horay sidii ay qoomiyadda Soomaalida ee Itoobiya waxa u noqon lahayd door shilisna ugu yeellan lahayd talda siyaasaddeed ee dalka Itoobiya.

Isla mrkaana waxa uu ahaa nin saamayn weyn ku leh talada siyaasadeed ee dalka Itoobiya iyo guud ahaan talada mandaqada bariga Afrika oo aan laga maarmin marka ay arimo yimaadaan, Cabdul-Majiid waxa uu dadaal wayn u ka galay markii la samaynayay Dastuurka Itoobiyada fedaraalka ha uu ka mid noqday guddiga dastuurka samayynaysa taasina waxay keentay inuu ku guulaysto isla markaana wacdaraha iyo deedalka meelmara ka gaysto in dastuurka itoobiya lagu daro qoddobka sheegaya ayoo katashig qoomiyadaha Itoobiya oo dhigaya inay qoommiyaddii doontaa madax banaani ka qaadan karto fedaraalka Itoobiya.

Qoralkale ayan ku soo qadan doona waxqabadkisi shirqolki lagu dhawacay iyo sidi uu u geeriyoday geesigi somalida itoobiya Dr.cabdul majid xusen AUN.

 

 

more recommended stories

%d bloggers like this: