Ethio-Somali region

Taariikh Nololeedka Dr Abiyu Axmed Oo Kooban akhriso

Addis-ababa(KALITIMES),Arbaca, 28ka, March, 2018. Golaha dhexe ee Xisbiga EPRDF ayaa jagada gudoomiyenimada xisbiga EPRDF u doortay Dr Abiyu Axmed sidoo kale waxa uu golaha dhexe ee Xisbiga EPRDF go’aamiyay in Dhamaqe mukonon  sii ahaado  gudoomiye ku xigeenka EPRDF.

Haddaba, Dr Abiyu Axmed ayaa ku dhashay gobolka jima ee deegaanka oromada wuxuuna wakhtixaadirkan ahaa gudoomiyaha Xisbiga OPDO ee deegaanka oromada dhinaca aqoonta waxa uu shahaadadiisa 1aad ku qaatay cilmiga computer Engineer, shahaadadiisii labaadna  ee  masterta  waxa uu ku bartay cilmiga  transformation leadership  and change sidoo kale waxa uu shahaatada 2aad ee masterta ku qaatay culuumta maamulka iyo maaraynta halka shahaatada PHD uu ku qaatay culuumta nabada iyo xasilinta.

Dhinaca xilalka kale ee uu so maray  dr abiyu Axmed waxa uu noqday  wasiirka wasaarada science iyo technology ee JDFI sidoo kalena ka soo  shaqeeyay xarunta science iyo technology ee dalka  isaga oo ka noqday maareeye guud waxa uu sidoo kale noqday  maareeye ku xigeenka laanta sirtoonka dalka ee INSA, isaga oo dhinaca deegaanka oromadana ka soo noqday   madaxa xafiiska horumarinta iyo guriyaynta deegaanka oromada islamarkaana leh awooda madaxwayne ku xigeenka deegaanka oromada. Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay ciidanka difaaca qaranka isaga oo ka gaadhay darajada lieutenant colonel.

Ugu dambayn waxaa la filayaa in u gudoomiyaha cusub ee Xisbiga EPRFI sii xoojin doona  arimaha horumarka, dimuqoraadiyada, nabadgalyada iyo nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya

 

Leave a Reply