Ethio-Somali region

FIKIR LABADALO BAA U ADAG

FIKIR LABADALO YAA U ADAG
Qore Faarax Cabdi Dubad

(Kaalitimes.com).Maqaalkan wuxuu ku saabsanyahay Mid kamid ah waxqabadyada madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar ee taariikhda dalkeena baalka dahabka ah kagalay waa sida uu ubadalay maskaxda bulshada DDSI oo qarniyo badan haybtooda wadan jahawareer kahaysatay.

Hadaba Qarniyo badan oo tagay waxaa kajiray deegaankeena soomalida itoobiya dhibaatooyin dhinacyo badan oo saamaynayay bulshada deegaankan oo u badnayd xoolo-dhaqato.

Deegaankan soomaalida itoobiya oo ay soo mareen maamulo kala duwan oo dhamaantood cabudhin cadaadis iyo xaqiraadba ugaysanayay shacabka deegaanka ayaa ahaa kuwo ragaadiyay habsami u noolaan shiyaha bulshada DDSI.

Dhibaatooyinkii maamulada deegaankan soomaray anoonan qoraal kusoo koobi karayn ayaan xusuusta dhaw waxaan eegay inta uu le’ekaa dhibaatada maamuladii boqor xayle salase iyo taliskii dhargiguba ugaysteen shacabka xoolo dhaqadatada ah ee DDSI dhan horumarineed iyo arimo bulshoba oo mid walba ka go’doomiyay balse arintaasi waxaa aniga igala waynaaday markaan eegay dalkeena intiisa kale oo qaarkood qoomiyahaduhu inala qabeenba dhibatada horumar la’aanta ah dhibaatada xaqiraada ee wadaniyda shacabka DDSI loogu diidsiiyay inay yihiin shacab itoobiyaan ah oo leh ixtiraamka wadaniyadeed ee qoomiyadaha kale ay lee yihiin.

Dhibatooyinkaas maskaxeed ee lagu xaqiray wadaniyada umadan waxay ahayd mid lumisay kalsoonidii shacabka DDSI iyagoo taasi qaadan karila shacabku waxaa duulaan xaqdaro oo god dheer ah kusii riday wadaniyadii ay kudhibaataysnayeen kusoo qaaday dowladii siyaad bare taas oo danaheedu ahaa in lalumiyo ahaanshiyaha wadaniyadeed ee shacabka DDSI oo iyagu rabitaankooda kudoortay itoobiyanimadooda waxaana duulaankaasi dowladii siyaad bare deegaankani kasii dhigtay dabshidan baansiin kusii huri haysla danbastee.

Aragti xumidii taliskii dhergiga iyo duulaankii siyaad bare waxay dhalisay mid shacabka DDSI kadhigay qaar qaxa oo qoxootiyo noqda, jabhado colaada sii huriya iyo bulsho ka rajo dhigtay wadaniyadoodii.

Xaalka oo sidaas ah ayaa waxaa dalkeena itoobiya kabilaabmay kacdoonkii shacabka dalkeenu uu iskaga dulqadayay heeryadii cadaadiska ee dhergiga kacdoonadaasi shacab oo ay hogaaminayeen Ururka TPLF na wuxuu midho dhalay 1991EC, markaas oo ay qoomiyadaha iyo shucuubaha dalkeena waa cusub oo dimuqraadiyadeed u furmay waxaana qoomiyaduhu bilaabeen xiligaasi inay kafaaidaystaan midhihii halgankii dimuqraadiyadeed ee ay hogaaminayeen ururka TPLF wuxuuna isbadalka horumarineed noqday mid macaan oo ciyaalkii nasiibka u yeeshay ay gurtaan.

Balse nasiib xumo iyo ayaan daro qoomiyadii soomalida itoobiya oo ay horay uhaysatay jaha wareer ahaanshiyi wadaniyadeed maamuladii hore ee dalkeena soomarayana ka xiqirayeen wadaniyadooda ayaa waxay mar kale ka dhaceen jaran jaradii siyaasadeed ee dalku galay iyo madashii siyaasadeed ee aayo katashiga itoobiyada cusub, waxana bulshada daalanayd ubilaabmay xiligaasi tobonaan sano oo dhibaato ah waxaana majaraha DDSI uqabtay xiligaasi maamulo aan aaminsanayn wadaniyadooda oo fikir soomaliwayn kusifaysnaa waxayna marin habaabiyeen bulshadii rajadii shacabka DDSI uhamuumta qabeen ee ahayd inay mar uun helaan dowlad udiir damqata.

Xiligaasina waxaa deegaanka soomalida ka bilaabmay kooxo nabadiid ah oo si arxandaro ah u gumaaday shacabkii ay daashadeen dhibaatooyinkii maamuladii dalka soomaray ,arintaasina waxay mar kale sii fogaysay ahaanshiyihii wadan ee bulshada DDSI.

Hadaba inkastoo qoomiyadaha dalkeenu ay bilaabeen inay si midaysan uga faaidaystaan midhihii dimuqraadiyada curdinka ah ma noqon DDSI mid hesha xaqoodii.

Dhulku lahaanshiyo yuu ubaahnaa ee waxaa hogaanka DDSI qabtay hogaan daacad ah oo leh dareen wadaniyadeed oo aamisan in dhulka dadka iyo dalkaba uu isagu leeyahay waana madaxwaynaha dowlada deegaanka soomaalida itoobiya mudane madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Wakhtigu wuxuu qoraa taariikhda waayaha adagna waxaa badala halyay dhiiran madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar imaatinkiisuna wuxuu shacabka DDSI unoqday waa cusub oo nololeed oo ay inbadan sugayeen shacabku.

Dhibaatooyinkii qarniyada iyo guyaha badan tirsaday ee dul hoganayay deegaankeena oo aanan qoraal iyo tiro kusoo koobi karina waxaa mudo kooban kusoo afjaray MW CMC.

Hadaba qormadaydan waxaan kusoo qaadanayaa mid kamid ah waxqabadyada taariikhda dalkeena baalka dahabka ah ka galay ee madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka hirgaliyay deegaanka waana sida uu MW CMC ubadalay maskaxdii iyo aragtidii shacabka DDSI ee wadaniyada iyo dhismaha aaminaada qaran oo qarniyo badan lunsanayd.

Waxaa hubaal ah in umadkasta oo horumarta ay isbadalkeeda uu hogaamiyo hab maskaxeedka iyo fikirka ee ay aaminsantahay,

In bini’aadamka laga badalo aragtida qaldan islamarkaana la,aaminsiiyo mida saxda ah waa shaqo ka adag mida horumarka iyo dhismayasha bini’aadamku taaban karo.

Hadaba hadaan milicsano waxa uu MW CMC uu kaqabtay dhanka aragtida iyo aaminaada bulshada DDSI oo ay boqolaal sano haysatay jahawareer wadaniyadeed islamarkaana ay sabab u ahaayeen maamuladii dalka soomaray iyo dhibaatooyinkii ay maskaxdooda ku yeelatay ayaa waxaa mudo yar oo kooban uu MW CMC uu ku furay kuna dhisay aragtida wadaniyadeed ee ay maanta shacabka DDSI ku faanaan inay yihiin itoobiyaan waxna la qaybsankaraan qaranka wayn ee qoomiyadaha dalkeena itoobiya.

May ahayn shaqo sahlan dhisida kalsoonida wadaniyadeed balse waxaa wakhti dheer oo habeen iyo maalinba leh oo dal iyo dibadba ah ugalay MW CMC.

Hadaba bal aan wax kataabto tabaha iyo xeeladaha cilmiyaysan oo aanan halkan kusoo wada koobi Karin balse wixii aan ka xasuusto un.

1= MW CMC waxa uu bilaabay markii uu xilka yimid inuu kulano kala duwan la yeesho bulshada qaybaheeda kala duwan islamarkana uu uga waramo ahmiyada wadaniyadeed isagoo ku faanayay itoobiyaanimada oo horay uga dhimatay dareenka shacabka,iyadoona kooxihii argagixisada ahaa ee kajiray deegaanka ee ubbo iyo itaxaad iyo seelkooduba ay ku caayi jireen maamulka DDSI iyo qofkii sheegta wadaniyadiisa itoobiyaanimo erayga dabaqoodhi oo ahayd eray yasid ah balse MW CMC uu bulshada DDSI uu tusay in dabaqoodhigu yahay ninka shisheeyaha u adeegaya ee shacabkiisa gumaadaya, gubaya xarumaha caafimaadka, ambalasyada, dugsiyada, iyo guud ahaanba adeega bulshada waxtarka uleh isagoo u adeegaya da wlado shisheeye iyo cadow taasoo ay shacabku sicad u fahmeen.

2= MWCMC ayaa wuxuu bilaabay horaantii imaatinkiisa madaxwaynanimo in bulshada deegaanka soomaalida itoobiya ee ku dhaqan degmooyinka, tuulooyinka iyo baadiyahaba oo dhagta un kamaqli jiray madaxwaynayaashii hore ee deegaanka soomaray inuu oogu tago gobolada iyo degmooyinka deegaanka. Wuxuuna madaxwayne CMC bilaabay socdaalo taariikhda baal dahaba kagalay nooleeyeyna rajadii wadaniyadeed ee ay qarniyo uboholyoobeen shacabka DDSI,socdaaladaasi balaadhana waxaa kamid ahaa socdaalkii ubo quusis oo uu MW CMC ku maray gobolada, jarar nogob ,erer,qoraxay,doolo,shabeele kuwaas oo MW CMC uu wakhtigiisa galiyay sidii uu bulshada oola wadaagi lahaa xaaladooda isagoona waxa oogu wayn ay ahayd sidii uu ujabinlahaa fikradihii Khaldanaa ee dowlada laga aaminsanaa islamarkaana loogu dhisilahaa bulshada dareenkooda wadaniyad jacayl iyo aaminaada dhulkooda iyo dalkoodaba ,waxaana socdaalkaasi ubo quusis kadib uu madaxwaynuhu sijoogta ah ubilaabay socdaalo balaadhan oo kusoo maray gobolada faafan, siti, jarar, qoraxay, doolo, shabeele, nogob, erer, afdheer iyo liibaan dhamaantoodna waxa uu madaxwaynuhu sicad oo gala hadlayay bukshada ahmiyada ay leedahay wadaniyada iyo sida ay faaiido uugu leedahay bulshadeena.

3=MW CMC waxa uu qaaday talaabo aan abid deegaanka horay uuga dhicin oo ahayd in la helo xogta saxda ah ee deegaanka soomaalida itoobiya oo horay ooga xidhnaa dunida oo dhan waxuuna sameeyey warbaahin dhamaystiran oo deegaanku leeyahay kana waranta xaalada guud ee deegaanka,arintaasina waxay ahayd midi oogu waynayd ee isbadalka aragtida bulshada kasbatay islamarkaana dhistay dareenka wadaniyadeed ee lahaanshiyo ee maanta tiir dhaxaadka ay shacabka DDSI oogu yihiin kuwa oogu horeeya qoomiyadaha dalkeena ee difaaca nidaamka fadaralisamka iyo kalsoonida itoobiyaanimadooda shacabka dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, akhristayaal hadii aan qoraalkan sheeko yar oo kooban idinkula wadaago xili aan tagay magaalada godey ee kulaasha jiinka wabiga shabeele anigoo ka socaday FM jigjiga iyo ESTV oo xiligaasi kujiray oo kali ah satalaydka carab siteka oo aan xiligaas laga daawan Karin gobolada kuyaala wabiga agtiisa ayaa markii aan bulshada iyo magaalada godey dhex-galay waxaan arkay arin aan aad oola yaabay xiligasi oo aan maskaxdayda kabixin waxayna arintaasi ahayd bulshada reer godey oo daawata universal TV, habadaawadaan ee sheekooyinka oogu badan ee ay ka sheekeeyaan ay ahayd xaalada soomaaliya iyo muqdisho oo shacabka reer godey ay ka arki jireen un universal TV sababta ay udaawanayeena ay ahayd maadama aysan haysan TV ay iyagu leeyihiin ama aan sooba gaadhin xiligaasi balse nasiib wanaag madaxwayne CMC oo dadaal balaadhan ugalay sidii bulshadu ay uheli lahayd TV ay iyagu leeyihiin oo ay kala socdaan xaalada deegaanka ayaa bilo kooban kadib xiligaas madaxwaynuhu furay ESTV nasiib wanaagna aniga ayaaba shaqo laygu diray markii aan godey gaadhayba waxaan raadiyay goobaha bulshadu tvyada kadaawato anoo iswaydiinaya sheekadii hore ee aan arkay miyaad lakulmi nasiib wanaagse waxaan arkay bulshadii oo meelkasta kudaawanaysa estv sheekada iyo hadal hayntooduna tahay jigjiga iyo isbadalka deegaanka ka hanaqaaday kuna faanaya wadaniyadooda arintaasi oo anaan waligay iloobaynin ayaan ku garwaaqsaday in waxa oogu muhiimsan uu ee hogaamiye qabtaa ay tahay in bulshadiisa oo qarniyo jahawareer kahaystay ahaanshiyahooda wadan uu mudo kooban ku tuso wadada saxda ah kuna faanan qadiyadooda soomaalida itoobiyaanimo.

4=MW CMC kali ah ahmiyad masiin bulshada dalka gudihiisa ee wuxuu dadaal wayn ugalay bulshada qurbaha kunool ee kasoo jeeda deegaanka soomaalida itoobiya oo xaqiiqdii intooda oogu badani wadankani ka tageen xiliyadii dhergigu cadaadinayay bulshada DDSI maskaxdoodana ay kudhax seef garaysantay colaada lagu samayn jiray bulshada taas oo keentay inay taageero dhaqale siin jireen ururadii ubbo iyo itaxaad ayaa waxaa mw cmc uu bilaabay inuu kulano layeesho qurbajoogtaasi lamarin habaabiyay waxaana kulanadiisii uu laqaatay qurbajoogta ku dhaqnayd UK,iskaandaniifiyaanka,USA,Austrelia,iyo Carabahaba kulanadasi oo fool ka fool ahaana madaxwaynuhu wuxuu ugaga waramay xaalada dhabta ah ee deegaanka,iyo isbadalada jira wuxuna ku marti qaaday inay yimaadan wadankooda dowladuna soo dhawayn doonto socdaaladaasina waxay albaabada ufureen imaatinka boqolaal kun oo qurba joogta DDSI kadib imaatinkoodiina waxay bilaabeen inay si wadaniyadeed ooga qayb qaataan mashaariicaha heer qaran maalgashadaana dhulkoodii hooyo.

Qurbajoogta DDSI na waxay mudo kooban ku noqdeen kuwa oogu horeeya jaaliyadaha dalkeena islamarkaana ay difaacaan midnimada itoobiyada cusub.

5= MW CMC waxaa uu joogto kadhigay si shacabka deegaanka iyo xukuumada DDSI ay yeeshaan kulano wadatashi ah oo looga wada hadlayo danaha deegaanka.

Arintaasina waa mida maanta ina tusinaysa sida MW CMC uu ahmiyada usiiyay dhismaha dareenka wadaniyadeed ee bulshada OOGANA BADALAY FIKIRADII IYO ARAGTIYADII CIDHIIDHYANAA EE SHACABKU KU JIRAY QARNIYADA.

Leave a Reply