WARAR XASAASI AH: DDS IYO ITOOBIYA

Jigjiga(kalitimes) 11 January, 2019. Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay 5 xubnood oo kamid ahaa shaqaalaha xafiiska maaliyada heer deegaan oo kala ah Agaasinkii waaxda Xisbaadka axmed wali, Agaasinkii khasnada dhexe ee treasuryga naasir aadan, logisticiankii xafiiska qoslaaye iyo laba xubnood oo kale.

Guud ahaan 5tan xubnood oo si sharcidaro ah loo xidhay maadaama oo aysan jirin wax danbi ah oo ay galeen ayaa sabab looga dhigay inay kali ah ka agdhawaayeen shaqo ahaan islamarkaana ay isku beel ahaayeen wasiirkii hore ee xafiiska maaliyada mudane axmed cabdi iyadoo loo maqlay dacwo been ah oo uu kagudbiyay wiil layidhaahdo cabdisalaan oo ay wada shaqayn hore kadhaxaysay xili uu xafiiska ka ahaa khabiir balse awood uhelay maaanta oo ka aargoosanaya.

Waxaa xusid mudan in todobaadyadii lasoo dhaafay ay jirtay ismariwaa udhexeeyay gudoomiyaha xisbiga mudane axmad shide iyo kusimaha madaxweynaha mudane mustafe cagjar mana cadda ilaa hadda meel uu kudanbeeyay ismariwaagaasi, shacabka deegaankuse waxay wali sugayaan inuu dhici doono shirweyne xisbi kaasoo si sharci ah ay u ansixiyaan xubnaha golaha dhexe balse shirweynihii oo gaadhay wakhtigiisii mamuuqato wax udiyaargarow ah oo kusaabsan shirweynaha, inta golihii dhexe loo yeedhayna lama dhihin dib inoogu dhiga shirka oo lagama ansixinin.

Hadaba waxaad moodaa in sharcidaro lacaadaystay ay kamuuqato meesha sidaadarteed labadii xubnood ee is haysigu kadhexeeyay ayaa kuheshiin waayay jigjiga kadibna waxaa looga yeedhay addis Ababa wararka soo baxaya ayaana sheegaya in lagaga awood batay dowlada dhexe ina cagjar.

sidoo kale wararka naga soo gaadhaya dadka udhadhow ina shide ayaana sheegaya in dhamaan lakala diri doono dawlada ina cagjar iyadoo lagu eedeeyay inay kabuuxaan ururo kale oo aan ahayn xisbiga wakhti xaadirkan talada deegaanka haya waxaana maalin dhow bilaabmi doonta qiimayntii golaha kabineega kadibna waxaa loo gudbi doonaa gobolada, mm iyo degmooyinka deegaanka.

Axmad shide ayaana go’aan kugaadhay inaan shirweyne laqabanin inta uu jiro maamul ina cagjar dhistay oo heer deegaan iyo heer gobol, heer mm iyo heer dagmaba kajira.

Dhanka kale, waxaa magaalada jigjiga laga furay joornaalkii ugu horeeyay ee shacab leeyahay taariikhda abid markii ugu horaysay oo lagu magacaabo jigjiga news paper kaasoo lafilayo inuu wax badan soo kordhin doono gaar ahaan dhanka xoriyatul qawlka balse loo badinayo inuusan sii soconaynin sababo laxidhiidha arimaha siyaasada ee deegaanka maanta kajira awgood.
Waxaa kale in Kasokow oonka, haraadka iyo silica baahsan ee kajira deegaanka ay soo laabatay sheekadii mooyi ee 10 sano kahor laga soo gudbay waxaana taas daliil u ah labo dhacdo oo aad ufoolxun oo iskuxigay oo kakala dhacay magaalada qabridahar iyo jigjiga iyadoo magaalada qabridahar lagu arkay xalay wiil mayd ah oo aan lagaranaynin cidda dishay balse markii la iswaydiiyay ay sheekadu kusoo gabagabawday mooji.

Sidoo kalana magaalada jigjiga gaar ahaan xaafada aayar daga ayaa lagu arkay wiil xadhig kudaldalan oo aan isna lagaranin in ladaldalay iyo inuu isagu isdaldalaytoona balse loo badinayo inay china groupka baryahan danbe jigjiga kusoo badanaya ay daldaleen, isna markii la iswaydiiyay ay sheekadiisu kusoo dhamaatay mooyi.

Hay’adaha amniga uqaabishan deegaankuna wali kama aysan hadlin oo iskadaa inay kahadlaane waxaad moodaaba inaysan wax wayn la ahayn dhimashadan kutimid allah ha unaxariistee dhalinyartan wax baadhitaan ahna ma aysan samaysanin oo halkii ayay kiisaskan kaga tageen.

kusimaha madaxwaynaha deegaanka Tigray Dr. Debretsion Gebremichael oo warbaahinta dalka lahadlay ayaa wuxuu canbaareeyay inay khaladtahay in dhaqdhaqaaqa ciidanka milatariga ah lahor istaago, Dr. Debretsion ayaa sheegay in ciidanka milatarigu uu yahay hay’ad sharci ah oo dalku leeyahay islamarkaana ay khalad tahay in dhaqdhaqaaqiisa laxanibo maadaama ay mar walba usocdaan hawlo shaqo oo muhiima, Wuxuu intaa kudaray in xili ay shacabka Tigray ku andacoonayaan in sharciga ladhawro aysan suuragal ahayn in isla shacabku uu sharciga ugafo islamarkaana hor istaago ciidan sifo sharci ah ku socda.

Dr. Debretsion ayaa intaasi raaciyay in heshiiska labada dal ee Eritrea iyo itoobiya uu yahay mid dan u ah shacabka labada dal gaar ahaan Tigray maadaama ay labada bulsho isku dhexjiraan wuxuuna yidhi waxaa muhiima inaan nabada iyo wanaaga kawada shaqayno, Dr. Debretsion ayaa cadeeyay inaysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo weeraro kayimaada Eritrea wuxuuna shacabkiisa kubooriyay in saraynta sharciga ay dhawraan, iskadaa bini aadame xitaa jinka waan laheshiinaynaa ayuu yidhi kusimaha madaxwaynaha deegaanka tigrey Dr. debretsion.

Dr. Debretsion ayaa sheegay in xukuumadiisu aysan marna ogolaanaynin in lagu kaco talaabooyin sharciga kadhan ku ah wuxuuna usheegay in dhalinyaradu ay kataxadarto talaabooyinka ay qaadayaan.

Arintan ayaana mid ah afka baarkiisa iyo dheel siyaasadeed oo lawada ciyaarayo isagaa diray isagii baana daminaya sheekaduna damin ma ahee waa baraarujin dhalinyarta tigray tusaysa inay guul gaadheen waana waxay isku ogyihiin.

Waxaa intaa dheer, maanta deegaanka gembela gaar ahaan goobaha ay Nuwerku dagaan lagu qabtay hub sharcidaro ah oo isugu jira 37 Ak47, 1 BKM iyo qasabadaha rasaasta.