DEGDEG: BAXSADKII Mustafe Cagjar OO LACADEEYAY


Jigjiga(kalitimes) 28kii January, 2019. Kadib dabagal iyo baadhitaan dheer oo ay ilaa dorraad samaynayeen hay’adaha amniga ee dalka itoobiya oo ay kuhayeen kusimihii madaxwaynaha DDS mustafe cagjar ayaa waxay maanta cadeeyeen in mustafe uu si iskii ah oo bilaa fasax ah isagoon cidna ogaysiinin xataa xafiiskii ra’isal wasaaraha ee laga xukumay uu uga dagay caasimada dalka kenya ee Nairobi.

Waxayna warbixintoodan dabagalka ah oo ay maanta ugudbiyeen xafiiska ra’isal wasaaraha ay kucadeeyeen in wax war iyo wacaal toona ah aysan kahaynin mustafe cagjar mudo 3 bari ah balse ay ilo xog ogaal ah iyo sirdoonkoodu uu uxaqiijiyay inuu mustafe Nairobi kadagay islamarkaana uu kulan qarsoon layeeshay mas’uuliyiin kasocday dawlada federalka Soomaaliya oo Nairobi hawlo shaqo ujoogay lana sheegay inay awalba xidhiidho hoose lahaayeen kadibna uu odayaal dhaqameed qoyskiisa ah hutel Madina uu kulakulmay isagoo kacodsaday inay magaalada kudhuumiyaan inta uu uga baxayo meel ay nabadgelyadiisu kuxasilayso.

Iskusoo wada duuboo, waxaa laxaqiijiyay inuu mustafe cagjar uu baxsad kumaqan yahay islamarkaana uu labaxsaday hanti tiro badan oo ummadeed.