XAALAD DEG DEG AH OO LAGU SOO ROGAY JIGJIGA


Jigjiga(kalitimes) 28ka January, 2019. Waxay caawa ciidamada militarigu amnigooda lawareegeen caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga iyo magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey iyadoo sidoo kalana lasheegayo inay lamid yihiin godey iyo dhagaxbuur.

Hadaba xaaladan degdega ah ee lagusoo rogay magaalooyinka waawayn ee deegaanka ayaa cadeynaysa inuu deegaanku galay marxalad degdeg ah oo cusub islamarkaana lagaga hortagayo wax walba oo deegaanka kukeeni kara nabadgalyo-daro saamayn kuyeelan karta guud ahaanba shacabwaynaha deegaanka.

Ugudanbayn waxaan shacabka deegaanka usheegaynaa inay kafeejignaadaan shirqoolada ay wado xukuumadan wakhtigeedu dhamaaday ee xaalada degdeg ah lagaliyay islamarkaana ay wakhti fiican uhoydaan xaafadahooda inta aynu kahelayno xukuumad rasmi ah oo ku guulaysata inay sugaan amniga shacabka deegaanka.