BARAKACA ITOOBIYAANKII PUNTLAND EE BOOKH KUSUGAN


Bookh(kalitimes) 3da March, 2019. Waxaa jirta qoysas tiro badan oo itoobiyaan ah oo kasoo barakacay Puntland Soomaaliya kuwaasoo isugu jira oromo, axmaaro iyo tigray tiradooduna gaadhayso 1,550 qoys (kun iyo shan boqol iyo konton qoys) oo ay 8 boqol oo qoys oo kamid ahi ay oromo yihiin, halka 750ka kalana ay isugu jiraan axmaaro iyo tigray.

Waxayna qoysaskani yimaadeen oo ay maalmahanba kusugnaayeen degmada Bookh ee gobolka doolo.

Hadaba, dawlada deegaanka Soomaalida ee uu hogaamiyo mustafe cagjar ayay dawlada federalka ahi ku amartay inay dadkaas barakacayaasha ah soo daabusho.

Kadibna, dawlad deegaanku amarkii way qaadatay gurmadkii daabulaada ayayna bilawday waxayna maanta soo daabushay oo kali ah qoysaskii oromada ahaa ee 800(sideeda boqol ee qoys) ahaa kuwaasoo 30 daqiiqo kadib kuwajahan magaalada jigjiga halka qoysaskii qawmiyadaha kale ahaa ee axmaarada iyo tigray bookh lagaga yimid.

Hadaba, su’aasha iswaydiinta leh ayaa waxay tahay shuruudo noocee ah ayaa lagu soo xushay in qoysaskii qawmiyada oromada ahaa oo kali ah lasoo daabulo maanta lagana yimaado qawmiyadihii kale?


Waxay ahayd, marka la eegayo sharciga caalamiga ah ee xulashada daabulaada barakacayaasha in lagu xusho loona soo kala hormariyo sida ay ukala liitaan waxaana waajib ahayd in hooyada uurka leh, mida nuujinaysa, caruurta iyo dhallaanka loogu hor xusho.

Marka, ma ninka qaabkaas daabulaada barakacayaashaas ukala horaysiinaya ee eexda iyo qawmiyad kala jeclaysiga galinaya isagoo garab iyo amaan inuu kaga helo hogaaminta oromada ee dalka kaga raadinaya ayay nalahaayeen bini’aadamtinimaduu wax kayaqaanaa oo hay’ad caalami ah oo bini’aadamtinimada kashaqaysa ayuu usoo shaqeeyay?.

FG: Badriya huteel baa casho loogu sii diyaariyay qoysaskan qawmiyada oromada kasoo jeeda ee kaligood maanta bookh laga soo daabulay oo waxaa kusugan goobtaas hadda koox uu Faatax hogaaminayo ee wixii sawir kaqaadis ah waa xagiina.

TALAABO KASTA OO UU QAADO WAA EEX, NIN AMA QAWMIYAD JECLAYSI, QABYAALAD IWM