SIR CULUS: MUSTAFE CAGJAR IYO AXMED SHIDE


Jigjiga(kalitimes) 3da March, 2019. Ina cagjar oo casho sharaf usameeyay golaha dhexe habeen hore kadibna qaar uu ku kalsoonyahay usoo bandhigay qorshe kusaabsan in golaha dhexe shirkooda ugu horeeya kadhigtaan Gudomiyaha xisbiga NASIR CABDI.

NASIR CABDI waa xubin goledhexe oo kasoo jeeda gobolka Siti, wuxuuna ahaa ninkii uu axmed shide kaqaaday gudiga fulinta kuna badalay cabdixakin cigaal xiligii qiimaynta hogaaminta xisbiga ee magaalada addis ababa laguqabtay bishii august.

“Ina cagjar waxa kaloo usheegay inay kasoo fikiraan Mudane jamaal dheere inuu noqdo xoghayaha xisbiga.

Maadaama shirwayne xisbi la qabaneyn waxa muhiim ah talaabadan waana geediga kaliya ee xisbiga lagu xoojin karo islamarkaana xukuumada kubadbaadi karto, cabdixakin cigaalna jeelka ayuu noogu jiri.” waa sida uu hadalka udhigay inacagjar.