WASIIR CABDIFATAAX SHEEKH BIIXI


Wardheer(kalitimes) 3da March, 2019. Qabyaalada iyo cadaalad darada #wasiir cabdifataax sheekh biixi uu kasamaynayo gobolka doollo waa sagaashan boqolkii korna way usocotaa.

In kastoo aanaan halkan kusoo koobi karin dhibaatooyinka iyo tacadiga wasiir #cabdifataax uu kuhayo ummadda kunool gobolka doollo ilaa maalinkii lamagacaabay waxaan caawa shaarica soo dhigaynaa caqabada hortaagan mashruuca qodista iyo balaadhinta balliga kuyaala qabaleega #CAADO ee #degmada wardheer inuu isaga yahay waana sidan aan hoos idiinku faahfaahinay:

#Wasiir Cabdifataax oo wata gudoomiyaha magac uyaalka ah ee uu isagu keensaday degmada wardheer ayaa xafiiska xoolaha ee heer deegaan kacodsaday in balliga caado laga qodayo loo wareejiyo qabalega AFARIDOODKA GAACOOD oo degmada danood kamid ah, qabaleegaas oo mashaariicdii degmada wardheer qaybo badan oo kamid ah laga fulinayo xili xaadirkan.

Waxaase cabdifataax loo sheegay inaan laga badali karin caado mashruucaas sababo jira awgood.

Kadib Cabdifataax wuxuu lahadlay odayaal jooga qabaleega caado wuxuuna kudhahay diida in balliga laga qodo caado wayna diideen sidaas buuna hada mashruucii qodista iyo balaadhinta balliga CAADO utaagan yahay wax xal ahna looma hayo. Ileen hal ninkii lahaa dhacayo lama dhicin karee.

Hadaba waxaan marka koobaad ogaysiinaynaa xukuumada eberka ah inay arinkaas lasocoto kolay waxba kaqaban maysaan oo fikirka waad laqabtaane marka labaadna waxaan kacodsanaynaa maamul xumada nahaysata inay wax kaqabato hadaan nahay bulshada #gobolka doollo.

Hadaan waxyar kudarro arintaas #maamulka gobolku waa mid Cabdifataax useetaysan maamuladii degmooyinka wardheer iyo danood ma dhamaystira mashaariicdiina dad kooban oo isagu hagayo baa meeshay doonaan marinaya qabyaalada iyo eexduna waa jaantaa roggan.

Dhanka kale, shacabka gobolka doolo iyo degmooyinkiisuba waa inaan maya dhahnaa gaar ahaan cadaalad darrada uu wasiir kusheegu kawado guud ahaanba gobolka.